U bood dhigaalka

Dayactirka Buundada Degmada Afgooye Oo Meel Gabogabo Ah Maraya

Sheeko:Dalka

Buundada degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa maalmahan dambe waxaa ku socday dayactir ballaaran, iyadoo xilligaan lasoo sheegayo in dayactirkaasi yahay mid gabogabo ah.

Dadka ku dhaqan degmada Afgooye oo si iskood ah isku xilqaamay ayaa billaabay iney dhistaan Buundadaasi kadib Labo Bil xiriir ah oo hakad uu galay isku socodkooda.

Inta ay burbursaneyd Buundo yarey waxaa la sheegay in ay saameyn badan ay ku yeelatay ardaydii maalin walbo halkaasi mari jiray, ganacsato iyo dad kale.

Maamulka degmada Afgooye ayaa dhowr jeer sheegay inay dib u habeen ku sameyn doonaan buundooyinka Afgooye, inkastoo wax muuqdo weli aan la arag.

Shacabka Afgooye ayaa billaabay in iskaa wax u qabso ay ku dhisaan Buundo yarey, waxaana meesha ka baxaya caqabadihii ay la kulmi jireen dadkaasi.

Goobjoog News