U bood dhigaalka

Da’yarada Kooxaha Midnimo Iyo Fanka Oo Muqdisho Ku Yeeshay Kulan Ciyaareed Saaxiibtinimo

Sheeko:Cayaaraha

Da’yarada kooxaha Midnimo iyo Fanka ayaa ciyaar saaxiibtinimo iyo is barasho ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaana kulankan soo abaabulayay maamulka Midaynta oo u i staagay dhiirigelinta iyo kor u qaadida ciyaaryahanada kala duwan ee Soomaaliya.

Kooxda Da’yarta midnimo waxaa ka soo baxay dhallinyaro badan oo saddexdii sano lasoo dhaafay qeyb ka ahaa xidigaha da’yarta Xulka Soomaaliya waxaana kulan saaxiibtinimo ka soo qeyb galay taageerayaal iyo sidoo kale guddoomiyaaasha ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Da’yarta kooxda Fanka waxaana maamula oo gacanta ku haya macallin Daa’uud Abshir oo ka mid ahaa tabarayaasha ka danbeyay sanadii 2018 in Xulka da’yarta Soomaaliya ayaa gaaraan markii ugu horeesay fiinalaha ciyaaraha tartankii 17 jirada ee ku qabsoomay Wadanka Burundi.

Maamulka kooxda Midaynta ayaa mudooyinkii danbe magaalada Muqdisho ka waday baraanmijyo kala duwan oo lagu horomarinayo ciyaartooydii hore dalka iyo da’yarta soo koraysa,waxaana shaqooyinka horomarinta ugu mahad celiyay bahda isboortiga gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ciyaareedkii Saaxiibtinimo Ee Labada Koox

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle