U bood dhigaalka

Deb Sababay Dhimashada Hal Cunug oo Ka Kacay Duleedka Dhuusa-mareeb

Sheeko:Amniga

Wararka naga gaarayo magaalada dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka galmudug ayaa sheegaya in deegaan qiyaastii 15-km banaanka ka ah magaalada uu ka kacay deb dhaliyay khasaaro dhimasho ah .

Deegaanka oo lagu magaacabo bidhaan dheere, oo magaalada dhuusa-mareeb kaga beegan dhanka waqooyi ayaa waxaa guri ku yaalo deeganka ka kacay goordhaw deb, sababay dhimashada Hal cunug oo laba sano jir ah , halka debka uu dhaawac ka soo gaaray Wiil iyo Gabar  yar yar .

Guriga dabka uu ka kacay oo ah mid ka sameysan cooshado , ayaa xiliigii uu dabka kacay waxaa ku sugnaa caruurta ay wax yeelada ka soo gaartay .

Dadka deegaanka Bidhaan dheere ayaa durbadiba gurmad u sameyay Caruurta uu dabka ku habsaday , iyadoo dhaawaca labada caruurr ah la geeyay isbitaalka weeyn ee magaalada Dhuusa-mareeb.