U bood dhigaalka

Décalé: Rooble iyo Musharaxiinta oo Maanta Guddiyo Ku Dhawaaqaya

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo midowga musharaxiinta oo maanta kulan qado ku leh Décalé Airport Hotel  ayaa lagu wadaa iney dhisaan guddiyo.

Ilo ku dhow shirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in shirkan lagu dhisayo labo guddi, oo labada dhinac kala matalaya.

Labadan guddi la sameyn doono ayaa lagu sheegay guddiga dibadbaxa lagu qorsheynayo  iyo guddiga xaqiiqo raadinta dhacdadii 19-kii Febraayo.

25-kii bishii hore ayey aheyd markii Rooble iyo musharaxiinta ay heshiis ku gaareen dib u dhigista dibadbaxa jimcihii hore iyo arrimo kale.

Maamul Farmaajo ayaa 19-kii Febraayo hor istaagay dibadbax ay qorsheeyeen musharaxiinta iyada oo la adeegsaday xabad nool, keentana dhimashada tiro 9 qof.

Goobjoog News