U bood dhigaalka

Deegaannada Galmudug Oo Laga Billaabay Howlgallo Lagula Dagaallamayo Isbaarooyinka

Sheeko:Dalka

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Booliiska ayaa deegaannada Galmudug waxay ka billaabeen howlgallo ka dhan ah kooxaha Isbaarooyinka u dhigta gaadiidka iyo shacabka.

Cali Cabdullaahi Warsame oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Galmudug oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ay howlgalkaan ka billaabeen wadada dheer ee isku xirta deegaannada Godinlabe iyo Gelinsoor ee gobalka Galgaduud.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka inay ku guuleysteen inay kala qaadaan dhowr Isbaaro oo shacabka lagu dhibi jiray, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Galmudug waxaa loo dhisay in dadkooda ay nabad u keento, in lala dagaallamo cid walba oo shacabka dhibaato ku haysa, ma dhici doonta in Maleeshiyaad dambe ay Isbaarooyin u dhigtaan dadka shacabka ah” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in cid walba oo isku adkeysa inay Isbaarada sii joogto ay meesheeda ku toogan doonaan, taasi ay tahay go’aan kasoo baxay maamulkooda.

Kulan ay Todobaadkii hore yeesheen golaha wasiirada maamulka Galmudug ayeey isku raaceen in la qaado dhammaan Isbaarooyinka yaalla gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News