U bood dhigaalka

Deegaanada Maamulka Puntland Oo Laga Mamnuucay Dhageysiga Laanta Af-Soomaaliga Ee VOA

Sheeko:Dalka

Wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa wareegto ay soo saartay waxa ay deegaanada maamulkaasi ka taliyo laga mamnuucay in marnaba aanay ka howlgali karin Idaacadda VOA, laanteeda Af-Soomaaliga ah, sidoo kalena aan la dhageysan karin.

Wareegtada oo uu ku saxiixnaa wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, ayaa lagu sheegay in VOA ay caadeysatay baahinta warar aysan iyagu raali ka ahayn, sidaa darteedna laga soo saaray go’aan ah in aysan ka howlgalin deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu amray Idaacadaha madaxa banaan ee ka howlgala deegaanada Puntland, islamarkaana sii deyn jiray Idaacadda VOA, in iyaguna aysan Fm-yadooda la dhex marin VOA.

Ugu dambeyn waxaa wareegtadan lagu sheega in sharciga la waafajin doono cid walba oo ka madax adeegta ammarkaan.

 

May 27, 2015: Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Bari ee Puntland ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro laba Wariye oo Puntland ka Howl-gala kuwaasoo kala ah; Faadumo Yaasiin Jaamac oo u shaqeysa Laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA-da iyo Yuusuf Maxamed Yuusuf oo ka tirsan Idaacadda SBC.

Maxkamadda ayaa qoraalkeeda ku xustay in labadan Wariye ay handadaad iyo afla-gaaddo ugu geysteen maxkamadda gudaheeda Garsoorayaal, iyadoo Maxkamaddu ay ku Amartay Taliyaha Booliiska Gobolka Bari inuu soo xiro Labadaan Suxufi.

May 27, 2015: Wariyaha Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliya ee  Magaalada Boosaaso Faadumo Yaasiin Jaamacayaa waxaa Xabsiga dhigay Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

October 29, 2015: Maamulka Puntland oo FM-yada iyo idaacadaha maamulkaas ka mamnuucay baahinta warar iyo barnaamijyada VOA, laanteeda afka Soomaaliga.

Wareegtada ayaa sidaan u qoran:-

Amarka Puntland