U bood dhigaalka

Deegaanadii dhawaan ay lagala wareegay Al-shabaab ee Jubada Hoose oo xaalad adag laga soo sheegayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dhawaan ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa Al-shabaab waxay kala wareegeen deegaano badan oo ka mid ah gobalka Jubada Hoose, waxaana deegaanadaasi ku sugan dad shacab ah.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaar ka mid ah deegaanadaasi ay ka dilaaceen cuduro shuban biyoodka ka mid yahay.

Wariyaha Goobjoog Fm ee gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in sidoo kale dadka ay dalabanayaa gurmad deg deg ah, waxaana jira dad hadda dib ugu soo laabtay deegaanadaasi oo markii hore uga barakaceen dagaaladii ka dhacay.

Maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegaya in dhamaan deegaanada ay kala wareegeen Al-shabaab ay geyn doonaan gurmad deg deg ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Warka Wariye Mascuud.

Goobjoog news