U bood dhigaalka

Dadka Deegaanka Lambar 50 oo dib Ugu Soo Noqonaya Guryahooda

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada lambar 50 ayaa sheegay iney dadkii dagmada ay bilaabeen iney dib ugu soo laabtaan guryahooda, kadib dagaallo sababay iney naftooda la baxsadaan.

Cali Nuur Axmed guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada maamulkaasi ayaa Goobjoog u sheegay  in dadka ku nool deegaanka ay xaaladooda adag tahay oo aysan heli karin wax ay ku noolaadaan biyo la’aan jirta awgeed.

” Deegaanka lambar 50 iyo hareeraheeda waxaa  ka dhacay dagaal aad u ba’an , dadkii duurka ayay ku hayaameen, waa la dhibtooday biyo la’aan ayaa dhacday ceelashii waa la gubay, dowladda federaalka, Konfur-Galbeed dad u soo gurmada waa laga waayay, hadda Illaahay mahaddii colkii waa degay, al-Shabaab duurka ayay horey u sii galeen, dadkii degmada Nalmbar 50 way ku soo noqdeen guryahooda”.

Cali Nuur ayaa sheegay dadkii qeyb ay soo noqdeen, qeyb kalena ay wali duurka ku jiraan, kuwa soo noqday ayaa guryihii ku soo laabteen, dhibaatada jirtaana ayaa ah biyo yaraan baahsan maadama ceelashii biyaha ee magaalada horey loo gubay.

Si kastaba, lambar 50 ayaa ah deegaan ay ku soo noqnoqdeen dagaallo beeleedyo iyo mid kale oo ay ku soo qaadaan xarakada al-Shabaab, waxaana ka dhasha barakac dadka rayidk ah oo afka saara duurka, rajo ay ka qabaan nabad iyo iney mar un deegaankooda ay dib ugu laabtaan.

Goobjoog News