U bood dhigaalka

Deegaannada Galmudug Oo Laga Bilaabay Tallaalka Cudurka Jadeecada

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo kaashaneysa hay’adda “Save The Children” ayaa bilowday Olole caruurta ka yar 10-ka sano looga tallaalayo cudurka Jadeecada, kaasi oo ay ka bilowday deegaannada hoos yimaada Cadaado.

Dadka ku nool deegaannada Miyiga ayaa soo dhoweeyay ololahan caruurta looga tallaalayo cudurka Jadeecada kaasi oo wasaaraddu ay fulineyso.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannada Miyiga oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegeen in ay ka faa’ideysanayaan barnaamijkan ay waddo wasaaradda caafimaadka Galmudug sida Cumar Maxamed Siyaad oo sheegaya”Waxaan ku noolahay deegaanka Bowdo-Dhogorre, waxaan aad iyo aad ugu mahad-celineynaa dadka noo-soo gurmaday oo halkan nagu soo gaarsiiyey Talaalka, dadka ku dhaqan halkan waxaa aad u saameeyay cudurka loo yaqaanno Jadeecada”.

Cilmi Xaashi Jimcaale “Tallaalka wasaaradda si wanaagsan ayaan u aragnaa, waa wax aan u baahneyn waxaa nasaameeyay Jadeecada, hadda waxaa dhul jiif u ah 10-15 qof”.

Isku duwaha waaxda caafimaadka ee Cadaado Cabdi-caziiz Xasan Cali ayaa Goobjoog News uga warbixiyey tirada caruurta ee Jadeecada ay ka tallaaleen.

“Waxaan tagnay Tuulooyin badan oo ku hareereysan Cadaado, halkaas oo aan ka tallaaleynay caruurta cudurka Jadeecada, waxaan helnay tiro badan oo ku dhow 600 oo qof, kuwaas aan ka talaalnay 160 qof oo ka mida, deegaannada waxaa ka mida Biyo-gaduud, Qaradi iyo Gal-dhuumood.

Dhowwaan ayey aheyd markii isbitaalka guud ee Cadaado la soo gaarsiiyey ku dhawaad 150 caruur ah oo qaba cudurka Jadeecada, kuwaas oo laga kala keenay deegaannada yoos yimaada Cadaado.

Goobjoog News