U bood dhigaalka

Deegaanno Ka Mid Gobalada Baay iyo Gedo Oo Laga Soo Sheegayo Xaalado Adag Oo Dhanka Nolosha Ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan waxay la wareegeen deegaanno badan oo ka mid ah gobalada Baay iyo Bakool, waxaana deegaanadaasi laga soo sheegayaa in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhibaatada ka jirta gobaladaasi ay ka mid tahay dadka oo aan helin gargaar degdeg ah iyo sidoo kale in aysan amni wanaagsan dadka haysan.

Xildhibaanadda ayaa dhinaca kale sheegtay in gobalka Gedo ay ka taagan tahay xaalad adag oo isugu jirta dhibaato lagu hayo shacabka iyo sidoo kale xaalado kale oo dhanka nolosha ah.

“Gobalka Gedo, gaar ahaan degmada Luuq dhibaatada nolosha caadiga ah waxaa dadka u raacda in la’iska xasuuqayo, hadana aanay jirin meel dadka ay ku ciirsadaan, sidaa darteed waxaan ku baaqayaa in degdeg wax looga qabto” ayeey tiri Xildhibaan Sareedo.

Sidoo kale xildhibaan Sareedo Maxamed ayaa sheegtay in xildhibaannada kasoo jeeda gobalada Koonfureed ee Soomaaliya ay isku dayeen inay aadaan gobalka Gedo si loo ogaado xaaladda ay dadka ku nool yihiin, balse maamulka Jubba ayeey ku eedeeysay in ay soo celiyeen diyaaradii xildhibaanada waday.

Ugu dambeyn ayeey Xildhibaanaddaan waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha in ay il gaar ah ku eegto waxa ka jira gobalka Gedo, sidoo kalena gargaar la gaarsiiyo shacabka ku dhaqan deegaanada gobalka Baay ee dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

Goobjoog News