U bood dhigaalka

Deegaanno Ka Tirsan Galgaduud Oo Laga Soo Sheegayo Dhibaatooyin Dhanka Nolosha Ah

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan gobalka Galgaduud ayaa lasoo sheegayaa in xilligaan ay ka taagan tahay dhibaato dhanka Nolosha ah, iyadoo meelaha qaar aysan ka jirin xarumo bulshada loogu adeeggo.

Deegaanada kala ah Gerijir, Qodqod iyo Tuullo Caano ayaa laga soo sheegayaa in aysan ka jirin xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeyo, Iskuullo waxbarasho iyo waxyaabo kale oo dadka u muhiim ah.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in haweenka Uurka leh markii ay gaaraan xilliga dhalmada ay la kulmaan dhibaatooyin u badan dhiig bax.

Haweenka qaarkood ayaa la sheegay in ay u dhintaan dhiig bax, halka kuwa kale lala gaaro isbitaalka degmada Guriceel.

“Anaga dhibaato badan ayaa na haysata Isbitaallo malahan, caruurta ma haystaan waxbarasho, dadkii dhiig bax ayeey u dhintaan, Isbitaal kama soo sokeeyo Guriceel” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka deegaanadaan.

Ugu dambeyn dadka ku dhaqan deegaanada aan kor kusoo xusnay ayaa waxa ay ku baaqeen in lala gaaro gurmad caafimaad si loo yareeyo dhibaatada hooyada soo gaarta xilliga dhalmada, sidoo kalena caruurtooda loo helo xarumo waxbarasho.

Goobjoog News