U bood dhigaalka

Deegaanno Ka Tirsan Sh/hoose Oo Laga Barakacay Kadib Fatahaad uu Sameeyay Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

In ka badan 30 qoys ayaa ka barakacay deegaanno ka tirsan gobalka Shabellaha Hoose, kadib markii uu fatahaad ku sameeyay wabiga Shabelle.

Deegaanada kala ah Ari Moog iyo Irdoole oo hoostaga degmada Afgooye ayaa la xaqiijiyay in Labadii maalin ee ugu dambeysay ay dadkani ka barakaceen.

Fatahaadda Wabiga Shabelle uu ka sameynayo deegaanadaasi ayaa waxaa u dheer sida la sheegay Roobab aan kala joogsi lahayn oo halkaasi ka da’aya.

Tuulooyinka aynu soo sheegnay waxaa intooda badan degay biyo burburiyay dalag beereed badan, iyadoo dadka ku harsan deegaanadaasi ay baqdin ku joogaan halkaasi.

Dhinaca kale deegaannada Baladul Amiin, Sabiib iyo Caanoole ayaa la sheegayaa in dadka ku dhaqan ay ka baqanayaan in Wabiga uu fataho, ka dib markii uu soo buux dhaafiyay.

Wabiga Shabelle oo mara goballo ka mid ah dalka ayaa deegaanno badan ku fatahay, waxaana laga baqayaa in fatahaadda ay gaarto deegaanno kale oo hor leh.

Goobjoog News