U bood dhigaalka

Deegaano ay Duqeeyeen Diyaaradaha Kenya oo Ay Ka Dilaaceen Cuduro Xoolaha Ay U Dhimanayaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

geelDadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoolahooda, gaar ahaan geela ay u dhimanayaan cuduro aanan la aqoonin oo cusub, waxayna codsanayaan in geela dhiig laga qaado si loo ogaado waxa ay yihiin cuduradani.

Cabdullaahi Diiriye oo ka mid ah xoolaleyda Gedo ayaa Goobjoog u sheegey in illaa 70 neef oo geel ay u dhinteen cudurkani , kuwaasi oo ay dad kala duwan leeyihiin. Wuxuu intaasi ku daray in dad cuney hilibka xoolihii ay waxyeelo kasoo gaartey.

Ugu yaraan hal qof ayuu sheegey in uu u dhintey hilibka uu cuney, sedex kalana ay ku xanuunsadeen, waxaana loo qaadey deegaanka Diif oo magaalo ahaan u dhow meelaha xoolaha hilibkooda ku sumoobeen.

Cabdullaahi ayaa waxa uu sheegey in dadka ay hadal hayaan in duqeynta dayuuradaha Kenya waxyaabo sun ah tureen, balse uusan isaga hubin, wuxuuna ku baaqay in la qaado dhiigga xoolaha si loo ogaado waxa keenaya in uu geela dhinto.

Wuxuu sheegey in neefka geela oo caafimaad qaba oo iska ordaya in uu mar kaliya taagnida ka dhacayo, kadibna meeshaasi ku naf baxayo.

Ma jiraan illo wareedyo dhex dhexaad ah oo xaqiijin kara dhacdooyinkani maadaamaa meelaha laga hadlayo ay yihiin miyi fog oo saxaafadda aysan galaangal u lahayn.

Dhageyso

Goobjoog News