U bood dhigaalka

Dhibaatooyin laga sheegayo Kililka 5-naad iyo Dilal Lagu Eedeeyay Ciidamada Liyuu Booliis

Sheeko:Dalka

Dadka ku nool degaanka Shuhubo  ee u dhaxeya degmada Qalaafo iyo xadka Itobiyaha ee ismaamulka Kilinka 5-aad ayaa kacabanaya ciidamada liyo Bolis-ka ay  dhibato ku hayaan dadka deegaanka.

Degaanka  Shuhubo waxa uu ku dhawyahay  gobolka Godeey ee ismaamulka Itoobiya waxyna dadkasi kacabanayan jirdil iyo dhac ciidmada liyo bolis ay kuhayaan

Qof la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay in dad qabiil ah oo shaar kale huwan ay doonayaan in ay geystaan barakac.

Qofkan waxaa intaa raaciyay in dadka la qabto si fudud loogu eedeynayo in uu yahay Al-shabaab, dhibaatadan waxaa ay heysataa dhamaan qeybaha kala duwan ee Shuhubo iyo deegaannada u dhaw.

Goobjoog News waxaa ay wadaa baaritaan arrinkaas la xiriirta si dhamaan dhinacyada kale uga jawaabaan arrintan Shuhubo ka dhacday.

Goobjoog News