U bood dhigaalka

Deeq Dawo Ah Oo La Gaarsiiyey Isbitaalka Baladweyne

Sheeko:Dalka

Deeq dawo ah ayaa la gaarsiiyey Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne halkaasi oo maalmahan dambe ay dawo la’aan ka jirtay sidoo kalena ay jiifaan bukaanno badan.

Hay’ad magaceeda lagu sheegay Al-xayaat, islamarkaana fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa dawo loogu tala galay in lagu daweeyo dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka gaarsiiyey halkaasi.

Agaasimaha Isbitaalka Baladweyne Dr Axmed Maxamed Khaliif ayaa uga mahadceliyey hay’addan sida ay dawada Isbitaalka usoo gaarsiisay.

Waxa uu sheegay agaasimaha in iyagu ay dalab u direen hay’adan maadaama xaalad adag ay ka jirta B/weyne isbitaalkuna ahaa dawo la’aan.

“Aad ayaan ugu mahad celinaynaa hay’addan, deeqdii waan guddoonnay, waa xilli dadku ay u baahnaayeen, waxaana siin donnaa dawadan dadka u baahan, waxaan ballan qaadeynaa in dadka loogu talo galay siinayno waddo kalena aan loo isticmaaleyn” ayuu yiri agaasimaha.

Cudurka Shuban Biyoodka ayaa maalmihii dambe si aad ah uga jiray magaalada Baladweyne iyo deegaanno kale oo magaaladaasi ah, waxaana dadka la geeyay Isbitaalka guud ee B/weyne ay ahaayeen kuwo aan haysan dawo ku filan.

Goobjoog News