U bood dhigaalka

Deeq gargaar ah oo la gaarsiiyay tuulooyin ka tirsan Gedo

Sheeko:Dalka

Guddiga abaaraha gobolka Gedo ayaa sheegay in ay bilaabeen gurmad la gaarsiinayo qoysaska ku dhibaateysan deegaanada hoos yimaada magaalada Garbahaarey.

Guddoomiyaha guddigaasi Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa carabka ku dhuftay in shacabka ku dhaqan tuulooyin badan ay gaarsiiyeen raashin iyo biyo dhaamin si nolashooda ay wax uga duwanaato sida ay hada tahay.

Tuulooyinka la gaarsiiyay deeqda waxaa ka mid ah Buraa, Daabley, Cali Jaamac, Daanyeerey, Mara cadde, Caano maareey iyo kuwa kale waxaana uu sheegay in ay gaarsiiyeen 400 oo kiintaal.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya gurmad ay soo gaarsiisay gobolka Gedo hase yeeshee uu yahay mid aan kaafin karin shacabkii loo qeybiyay.