U bood dhigaalka

Deeq Lacageed oo La Gaarsiiyey Qoysaskii Ka Barakacay Magaalada Baardheere.

Sheeko:Amniga

Guddiga gurmadka Fatahaadaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta deeq lacageeed  waxaa ay gaarsiiyeen  qoyskii  ku waxyeeloobay fatahaadda Webiga Jubba uu dhowaan uu ka sameeyey magaalaasi.

Deeqdaan Lacageed ayaa waxaa  ka faa’ideystay kun  qoys  oo  deganaa qaar ka mid ah xaafadaha Baardheere kuna barakacay fatahaadii uu sameeyey webigga Jubba ayaa qoyskasta wuxuu helayaa lacag dhan $60,lacagtaas oo maanta lagu wareejiyey shirkadda Hormuud ee magaalada Baardheere .

Lacagtani waxay qeyb ka tahay $80 kun oo baaqi ka ahaa deeqdii lacageed ee Dowladda Federaalka soo gaarsiisey Baardheere, barakacayaasha ayaa lacagtani waxay ku gaari doontaa hab EVC shacabka barakaca ah ee Baardheere.

Gargaarkani ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey oo ay helaan Qoysaska faraha badan ee ka barakacay guryahooda kuwaas oo weli deegaansanaya banaanka magaalada maadaama guryahoodii ay weli fadhiyaan biyihii Webiga.

Goobjoog News