DEG DEG: Askar AMISOM Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Ex-control Balcad, degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka AMISOM.

Goob jooge ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid xooggan, islamarkaana ay ka dhalatay khasaare kala duwan.

Ciidamada AMISOM ayaa iyaguna la sheegay in ay fureen rasaas xooggan oo waxyeello soo gaarsiisay dad shacab ah oo goobta ka dhowaa.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan inta uu la egyahay, iyadoo xaaladdu tahay mid aad u adag.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW