U bood dhigaalka

DEG-DEG: Askari degmada Yaaqshid dil iyo dhaawac ugu geystay dad rayid ah

Sheeko:Dalka

War goor dhow naga soo gaaray isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshid ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya uu dad rayid ah ku dilay meel u dhow isgoyska Fagax.

Askariga ayaa rasaas ku furay gaari rakaab ahaa oo wadada marayay, goob jooge ku sugan halka uu dilka ka dhacay oo diiday in magaciisa la xigto sababo amni awgeed ayaa u sheegay Goobjoog FM in rasaasta ay madaxa kaga dhacday haweeney wadada gooneysay isla markaana ay ku dhaawacmeen saddex caruur ah oo la socday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday balse ciidamada dowladda ay ugu dambeyn gacanta ku soo dhigeen.Caruurta uu dhaawaca soo gaaray ayaa loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Qaar ka tirsan askarta dowladda ayaa dhowr jeer falal noocan oo kale ah ka geystay gudaha Muqdisho.

Maxamada ciidamada qalabka sida ee dowladda ayaa in badan ku celcelisay in askarigii shacabka dhac iyo dil u geysta la soo taagi doono tiirka si loo toogto.