U bood dhigaalka

DEG DEG:- Ban Ki- Moon oo goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana la socda saraakiil ka mid ah Qaramada Midoobay.

Wariyaheena Maxamuud Cismaan Warsame ayaa soo sheegaya in diyaaradda siday xoghayaha ay hadda soo caga dhigatay, waxaana socota soo dhaweynta Mr Moon.

Garoonka diyaaradaha waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed, mas’uuliyiin kale ka mid ah Labada gole ee dowladda iyo mas’uuliyiinta Xafiiska UNPOS.

Ban Ki-moon ayaa kulama la qaadan doona madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadli doonaan arimo badan.

Faah faahinta Warkaan iyo sawiro goor dhaw naga filo Insha Allah.

Goobjoog News