U bood dhigaalka

Deg-Deg: Ciidama Kawada Tirsan Dowladda Oo Israsaseyn Ay Ku-dhexmartay Ex-control Afgooye

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo Ex-control Afgooye ayaa sheegaya in goordhaw ciidama kawada tirsan dowladda ay israsaaseyn ku-dhex martay halkaas.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay isku qabsadeen canshuur laga qaado gaadiidka dadweynaha ee adeegsada wadadaas.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay seddax qof ayaa ku geeriyootay israsaaseynta halka tiro intaa ka badan uu dhaawac ka soo gaaray.

Dadka wax yeeladu ay soo gaartay ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad shacab ah oo xilliga ay israsaaseyntu dhaceysay marayay wadada.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka labada ciidan ku dhex maray isgoyska Ex-control Afgooye.

 

Wixii faahfaahin ah ee warkaan ku soo kordha kala soco Goobjoog News