U bood dhigaalka

DEG DEG:- Ciidamo ka tirsan maamulka KMG ee Jubba oo qarax lagula eegtay deegaanka Yoontooy ee Jubda Hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka mid maamulka KMG ee Jubba ayaa qarax Bam waxaa lagula eegtay deegaanka Yoontooy ee gobalka Jubada Hoose, waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaare dhaawac ah.

Goob ay ku sugnaayeen ciidamadaan ayaa la sheegay in lagu tuuray Bam gacmeed, waxaana halkaasi ku dhaawacay Afar ka mid ah ciidamad Jubba.

Wariyaha Goobjoog Fm ee magaalada Kismaayo Mascuud Cabdullaahi Aadna ayaa soo sheegaya in qaraxa ka dib ciidamada Howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen Afar qof oo lala xiriirinaayo in weerarkaasi Bam ku lug lahaayeen.

Xaaladda wey yara degan tahay, waxaana la arkayaa ciidamada Jubba oo heegan ku jira, sidoo kale waxaa yar dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee deegaankaasi.

Goobjoog News