U bood dhigaalka

Deg-Deg:- Dagaal Ka Qarxay Guriceel

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Guraceel ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in goordhaw uu dagaal xooggan ka qarxay gudaha magaalada, dagaalka ayaana u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ururka Ahlu-sunna.

Dagaalka ayaa lagu soo waramaya in uu ka qarxay xaafado ka tirsan magaalada guraceel, waxaana dagaalka uu imaanayaa kadib markii ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug oo kaa shanaya kuwa dowladda federaalka ay xalay gudaha magaalada u galeen.

Ciidamada labada dhinac ayaa dagaalka uu hadda ku dhex marayaa xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay kuwaas oo labada dhinac ay kuwada sugan yihiin.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Ahlu-sunna iyo ciidamada dowlad gobaleedka galmudug oo kaa shanaya kuwa dowladda federaalka.

Qaar ka mid ah wariyayaasha ka howl gala magaalada ayaa soo warinaya in laga cabsi qabo in dagaalka uu sii socdo.

Goobjoog News