U bood dhigaalka

Deg-Deg:- Deni, Farmaajo, Kheyre iyo Xasan Sheekh ayaa u gudbay wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagbeeyay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Doorashadaan oo ay isku soo sharaxeen 39 musharax, ayaa waxaa ka hor inta aysan bilaabmin doorashada guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha u gudbiyay in ay isaga hareen doorashada 3 musharax.

36 musharax oo ku tartamay wareegga koowaad ee doorashada ayaa waxaa markii ay soo dhamaatay tirinta codadka doorashada waxaa wareegga labaad u soo gudbay 4 musharax.

Musharixiinta u soo gudbay wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha ayaa kala ah :

Saciid Cabdullahi Deni oo helay 65 cod .

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo helay 59 cod .

Xasan Cali Kheyre oo helay 47 cod iyo

Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 52 cod.