U bood dhigaalka

DEG-DEG: Gaari walxaha qarxa lagu xiray oo ku qarxay waqooyiga Muqdisho

Sheeko:Dalka

War goor dhow soo gaaray war qabadka Goobjoog FM ayaa sheegaya in labo qof ay ku geeriyoodeen isla markaana lix kale ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari lagu xiray walxaha qarxa uu ku qarxay xaafada afarta Darjiin ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Sida ay Goobjoog FM uu u xaqiijiyay qof ku sugan goobta qaraxu uu ka dhacay, qofka geeriyooday ayaa ahaa sarkaal ka tirsan nabad sugida dowladda kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Axmed Jamaame oo xilligaas qaad(jaad ) ka iibsanayay haweenay qaad wale ahayd oo iyana halkaas ku dhimatay.

Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa waqti kooban hakad galay xilli ciidamada dowladda ay goobta soo gaareen. Weli wax war ah ma uusan soo saarin maamulka degmada Yaaqshid

Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay goobaha caafimaadka si loogu dabiibo.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM