U bood dhigaalka

Deg-Deg:- Isarasaaseyn ka dhacday saldhigga booliiska magaalada Burtinle

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Burtinle, ayaa sheegaya in kooxa hubaysan ay weerar ku soo qaadeen saldhigga ciidamada Booliiska ee magaalada, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa yimid kadib markii kooxo aan la aqoon oo hubaysan ay weerar ku soo qaadeen xarunta saldhigga booliiska magaalada Burtinle.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday weerarka, waxaana jira dhaawacyo ka dhashay weerarka lagu soo qaaday saldhigga.

Macadda illa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay iyo haybta kooxda weerarka ku soo qaaday saldhigga ciidamada Booliiska ee magaalada Burtinle.

Wixii warar ah ee ku soo kardha kala soco Goobjoog News