U bood dhigaalka

DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhaba

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray goor dhaw magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay isaga iyo xubno la socday.

Wafdiga madaxweynaha ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay garoonka magaalada Baydhaba, waxaana intaasi ka dib uu u gudbay dhanka magaalada.

Wariyaha Goobjoog FM ee magaalada Baydhaba ayaa soo sheegaya in madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay hadda joogaan xarunta Taliska Qeybta Lixdanaad ee ciidamada xooga dalka, halkaasi oo hadal uu ka jeedin doono.

Amaanka magaalada Baydhaba guud ahaan waa mid aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo dhan ku sugan ciidamo isugu jira dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News