U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Meydka Taliyahii ciidanka Booliiska oo baaritaan ka dib la ogaaday in aan la sumeyn

Sheeko:Dalka

Wararka Goobjoog Fm ay ka heshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in la helay natiijada baaritaankii halkaasi loogu qaaday Meydka Allaha u naxariistee Taliyahii ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Marxuum Sareeyo Guuto Maxamed Ismaaciil Xasan.

Mas’uul ka mid ah safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa u xaqiijiyay Goobjoog, in hadda la kala cadeeyay in Taliyaha la sumeeyay iyo in kale ka dib markii lasoo gaba gabeeyay baaritaankii lagu sameynaayay Meydka, waxaana uu inoo sheegay sarkaalkaan in Meydka taliyaha laga waayay wax sun ah oo sabab u noqotay geeridiisa.

Baritaanka dhqaatiirtii waday ayaa sheegay in Taliyaha uu si caadi ah u dhintay, sidoo kalena jirkiisa markii ay baareen ka dib laga waayay wax sun ah ama siyaabo kale oo sabab u noqon karta geeridiisa.

Tuhun ku aadan in la sumeeyay Taliyahii ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Marxuum Sareeyo Guuto Maxamed Ismaaciil Xasan ayaa jiray, waxayna taa dedejisay in Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu magacaabo gudi wasiiro ah oo baaritaan arintaasi kusoo sameeya.

Meydka Marxuum Maxamed Ismaaciil Xasan, dib ayaa loogu soo celin doonaa magaalada Muqdisho, waxaana loo sameyn doonaa aas ay ka qeyb galaan mas’uuliyiinta dowladda iyo labada gole ee dowladda xubno ka mid ah.

Khamiista aynu kasoo gudubnay taariikhdana ku beegnayd 30 October ayaa xilli galab ah waxaa soo shaac baxay geerida Taliyaha ka dib markii isaga oo xanuun deg deg ah kusoo booday la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Goobjoog News