U bood dhigaalka

DEG DEG:- Nicolas Kay oo dhex dhexaadinaya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wararka haatan Goobjoog Fm ay ka helayso xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicolas Kay uu bilaabay dhex dhexaadinta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh oo isku khilaafay isku shaandheyntii shalay ee golaha wasiirada.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo kuna sugan Villa Soomaaliya, ayaa u sheegay Goobjoog Fm in Mr Kay uu kulan la qaatay mid ka mid ah Mas’uuliyiintaan, , dhanka kale waxa uu la kulmi doonaa mas’uulka kale.

Kay ayaa doonaya in meesha laga saaro khilaafkaan hadda soo cusboonaaday, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo baxaan warar dhameystiran oo kulamadaan ku aadan.

Shalay ayaa Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed waxa uu isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, hase ahaatee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taasi kasoo horjeestay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News