U bood dhigaalka

Deg Deg | Putin oo ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah Ukrain iyo duqeymo kusocda Keiv

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dalka Ruushka Veladamir Putin ayaa ku dhawaaway dullaan ka dhan ah Jamahuuriyadda Ukrain ee dariska la ah dalkiisa waxaana ciidmada Ruushka uu faray inay galaan dalkaasi.

Sida warbaahinta caalmaiga ah sheegayaan Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa daqiiqado ka hor bilaabay duqeymo culus oo furimaha Donbass iyo caasimadda Keiv ay ka wadaan, Goobaha dhowaqa madaafiicda laga maqlay waxa kamid ah garoonka diyaaradaha ee Boryspil ee caasimadda Ukraine ee Kiev.

Dhanka barigana waxa lagusoo waramayaa in taagiyada Ruushku ay kasoo tallaabeen Cremea, Caasimadda Keiv ayaa laga maqlay dhawa qaraxyo waaweyn, hadalka Putin ayaana waxa ku jirtay digniin ah in quwadaha caalamku aysan faraha lasoo gelin Hawlgalkan.

Qaramada midoobey aya cambaaraysay duullaankan, Golaha amniga oo haatan ku shirsan Newyork ayaana dalbaday in Putin laga horjoogsado weerarka.

 

GOOBJOIG NEWS.