U bood dhigaalka

Deg-Deg : Qarax Goordhaw Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Sheeko:Amniga
Wararka naga soo gaarayo inta u dhaxeeyso deegaanka Xaawo Cabdi iyo Calamada  ee duleedka magaaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhaw qarax uu halkaasi ka dhacay .
Qaraxa oo ahaa mid inta badan laga maqlay xaafadaha deegaanka aya waxa uu ahaa mid ismiidaamin ah , kaas oo lala eegtay , qaar ka mid ah  Enginaradii dhisayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye iyo ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Haramacad oo ilaala ka hayay halkaas, waxaana jira Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Illaa iyo hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee qasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay Engieerada .
Dhismaha wadadaan ayaa maraya deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho, iyadoo dhowr jeer oo hore la qarxiyay shaqaalaha dhisaya wadadaan iyo ciidamada ilaalad u ah.
Wixii ku soo kordha warkaan kala soco https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/