U bood dhigaalka

Deg Deg: Qarax Goordhow Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Amniga

Qarax xoogan ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, kadib markii gaari waxyaabaha qarax lagu soo raray lagu weeraray hotel  ku yaalla aaga madaxtooyada maamulkaas.

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Hotelka Nuur Doob oo ku yaalla xaafadda Hantiwadaag, hotelka ayaa ah  ay degaan madaxda iyo sidoo kale dadka shacabka ah, maadaama uu madaxtooyada u dhow yahay.

Qaraxa oo ka dhacay afaafka hore oo Hotelka ayaan waxyeelo weyn gaarsiiyay  dhismaha hotelka, walow lasoo warinayo inuu jiro khasaare soo gaaray dhismayaal u dhowaa, sida wararku sheegayaan.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada iyadoo madaxweynaha maamulkaas uu ka maqan yahay magaalada, waxaana maalinimadii shalay Jowhar soo gaaray madaxweyne ku-xigeenka maamulka.

Goobjoog News