U bood dhigaalka

Deg-Deg: Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw qarax lala eegtay gaari uu la socday gudoomiyihii deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa marayay wadada isku xirta degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey gaar ahaan xaafad lagu magacaabo Fooriloow.

Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, balse wararka ayaaa sheegaya in gudoomiyaha uu soo gaaray dhaawac, hadana loola cararay mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

wixii ku soo kordha warkaan kala soco Goobjoog News