U bood dhigaalka

DEG DEG: Qarax qasaare sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Isgoyska Tarabuunka degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho ayaa ku sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gaari nooca loo yaqaano Kaarib oo marayay halkaasi ayaa la sheegay inuu qarxay, waxaana dhintay Hal qof, iyadoo mid kalena dhaawacmay sida uu inoo sheegay qof goob jooge ah.

Goobta qaraxaan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana socda baaritaan ku aadan qaraxaan iyo qaaba uu u dhacay, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaraxa waxa uu ahaa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News