U bood dhigaalka

DEG-DEG: Qarax waxyeelo sababay oo ka dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka ku meel gaarka Jubba.

Qaraxan ayaa ahaa miinada lagu aaso dhulka waxaana lala eegtay gaari nooca raaxada ah.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday qaraxa tiro aan la cayiminna waa ay ku dhaawacmeen. Baabuurka lala beegsaday qaraxa ayaa gebi ahaan gubtay.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM