U bood dhigaalka

DEG-DEG: Rag hubeysan oo dhaawac u geystay wariye ka howl gala Muqdisho

Sheeko:Dalka

War daqiiqado ka hor soo gaaray war qabadka Goobjoog FM ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerareen isla markaana ay dhaawac u geysteen wariye ka tirsan suxufiyiinta ka howl gala magaalada Muqdisho.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa rasaas dhabarka kaga dhuftay Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black oo u shaqeynayay Telefishinka Somali Chanel.

Dhaawaca wariyaha ayaa loola cararay isbitaalka Madiina halkaas oo imika lagu dabiibayo, qof ku sugan gudaha isbitaalka ayaa u sheegay Goobjoog FM in dhaqaatiirta ay ku mashquulsanyihiiin dhaawaca wariyaha isla markaana uu saaranyahay saalada qaliinka.

Wixii war ah ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM