U bood dhigaalka

DEG-DEG: Ra’iisal wasaaraha dalka iyo madaxwaynaha maamulka Puntland oo heshiis kala saxiixday

Sheeko:Dalka
Heshiis
Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh iyo Madaxweyne maamulka Puntland Gaas oo saxiixaya heshiiska

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Garowe ayaa sheegaya in heshiis ay si wada jir ah u saxiixeen ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale saxiixay ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay iyo u qaabilsanaha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay oo goob joog ka ahaa.

Heshiiska ayaa ka kooban dhowr iyo toban qodob waxaana qodobada lagu heshiiyay oo aan helnay ka mid ah:

1-In maamulka loo sameynayo gobollada dhexe uusan saameyn doonin deegaanada maamulka Puntland

2-In Puntland ay u madax bannaantahay heshiisyada ay galeyso iyada oo la raacayo heshiiskii hore u dhex maray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon iyo madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole

3-In la aqoonsado shahaadooyinka dugsiyada sare ee maamulka Puntland

Waxaa kaloo la isla gartay in doodii la xiriirtay dasturka Federaalka loo xil saaray baarlamaanka Federaalka iyo kan maamulka Puntland.

Warkan oo faahfaahsan kala soco Goobjoog FM