U bood dhigaalka

Deg-deg: Raiisul wasaare Cabdiweli oo gaaray Garowe

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goor dhaw ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Hogaanka sare ee maamulka Puntland oo u horkacayo madaxweyne,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo dhawaysay wafdiga garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Boqollaal shacabka Garoowe oo ku labisan calamada Puntland, kan Soomaaliya iyo sawirrada ra’iisal wasaaraha ayaa isagu soo baxay garoonka diyaaradaha iyo hareeraha waddooyinka dhex mara magaalada.

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku tago Garoowe, tan iyo markii uu soo dhexgalay maamulkan iyo dowladda khilaaf sababay in Puntland ay xiriirka u jarto dowladda Soomaaliya.