U bood dhigaalka

DEG DEG: Shil qasaare sababay oo goor dhaw ka dhacay magaala Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw shil gaari uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhaawac u badan.

Gaari nooca Homay ah ayaa ku fariin goostay meel ku dhaw Laami yaraha Zoobe, waxaana halkaasi ku dhaawacmay ku dhawaad 10 qof oo isugu jira dad goobta shilka ka dhacay shaah ku cabaayay iyo sidoo kale dad gaariga saarnaa.

Mid ka mid ah dadka ku sugan halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog in Gaariga uu darbiga ku dhacay, islamarkaana sidoo kale uu rogmaday, waxaana goobta gurmad u sameeyay ciidamada Booliiska iyo shacab goobta ka dhawaa.