U bood dhigaalka

Deg Deg Shirka Afisyooni Oo Lagu Kala Tagay

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw Fashil ku soo dhamaaday shirka wadatashiga doorashooyinka oo magaalada Muqdisho uga socday madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka.

 

Shirka oo labada dhinac ay isku mari waayeen Ajendayaasha qaar.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka uu ka socon wayay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

 

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegey in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay sabab u yihiin fashilka shirka.

“Waxa hadda soo gebegaboobay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo illaa bishii hore ee March dhammaadkeedii lagu dedaalayey in lagu qanciyo madaxda Puntland iyo Jubaland qabsoomidda doorashada. Haddaba Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.” ayuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Barta Facebook.

Sikastaba Fashilka wadahadalada garwadeynka ay ka aheyd beesha Caalamka ayaa sii Cakiraya xaaladda Dalka.