U bood dhigaalka

DEG DEG:- Wafdi Ka Socda Urur Goboleedka IGAD Oo Gaaray B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw halkaasi ay gaareen wafdi ballaaran oo ka socda urur goboleedka IGAD kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay garoonka magaaladaasi.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya danjiraha IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, Odayaal dhaqameed iyo sidoo kale xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Federaalka.

Ulajeedka xubnahan ay u tageen magaalada Baladweyne ayaa ah in marka hore ay kulan la qaataan Odayaasha dhaqanka ee diiddan shirka Jowhar kuna sugan magaalada Baladweyne iyo sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News