U bood dhigaalka

Dagaallo Goos Goos ah oo Ka Dhacay Laascaanood iyo Somaliland oo Isaga Baxday Goobo Kale

Sheeko:Amniga

Dagaallo  goos goos ah ayaa maanta ka dhacay  magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo lasoo warinayo in ciidanka Milatariga  Somaliland ay isaga baxeen fariisimo dhowr ah oo ay kaga sugnaayeen magaalada aroornimadii hore ee saakay, ciidamada deegaanka ayaa la wareegay guriga guriga guddoomiyaha gobolka Sool, kaas oo ay gudaha u galeen ciidan ka tirsan kuwa deegaanka, sida ay sheegayaan wararka aan helayno.

Wararka aan sidoo kale ka helayno deegaanka Tukarraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor imaan ku dhexmaray ciidamada Milatariga Somaliland iyo kuwa  maleyshiyo beeleed ah oo halkaas farriisin ku lahaa tododlbaadyadii ugu dambeeyay. Iska hor imaadkan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa muddo kooban ka socda farriisimaha ciidan ee labada dhinac ee halkaas ku dagaalamaya.

Dagaalkii shalay dhacay oo ahaa mid aad u qaraar ayaa waxaa muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen in ciidanka deegaanka ay gudaha u galeen xero ay muddooyinkaan ku sugnaayeen ciidanka Somaliland, kuwaas oo isaga baxay, waxaana wararku ay sheegay in ciidanka ka baxay magaalada uu hoggaaminayay Korneyl Mahad Canbaashe , xoogagga SSC ayaa shegtay in dagaalkii shalay dhacay ay gaareen la taaban karo.

Ciidamada Milatariga Somaliland ayaa dhankooda saraakiil u hadashay waxaa ay sheegeen  in ciidankooda lasoo weeraray sida ay hadalka u dhigeen, labada dhinac ayaa isku tuurtuuray mas’uuliyadda ciddii bilowday dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood, dagaalka dhacay ayaa ahaa mid la saadaalinaayay inuu dhacay, kadib, kadib markii labada dhnac ay ciidamo badan soo galiyeen magaalada iyo xeryaha ay ku sugaan yihiin.

Dagaalka magaalada Laascaanood oo galay maalintii 20-aad ayaa waxaad moodaa in xilligaan uu ku faafay goobo hor leh oo ka baxsan magaalada, waxaana muuqan dadaallo lagu joojinayo iska hor imaadja  ka socda magaalada, xoogagga deegaanka ayaa xabad joojintooda shuruud kaga dhinay in Somaliland ay isaga baxaan gobolka Sool iyo deegaannada SSC oo in badan hoostagay maamulka uu hoogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dagaalka ayaa waxaa intii uu socday ka dhashay khasaare xooggan, kaas oo isugu jira naf iyo maal intaba, wararka laga helayo maagalada ayaa sheegaya in dhinacyada ay soo kala gaarayaan gurmadyo kale duwan, iyadoo dhowr jeer dhinaca Somalilad ay ku dhawaaqday xabadjoojin hal dhinac ah, iyadoo aysan dhaqan gal noqon tallaabadaasi ilaa iyo hadda, dagaalka ayaa ku sii faafaya goobo hor leh oo markii hore nabad ahaa.

Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in dad badan oo ka barakacay dagaalka magaalada Laascaanood ay wajahayaan xaalada adag oo dhanka nolosha ah, xilli ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Puntland iyo dowlad deegaanka, goobahaas oo markii hore ay ka jirtay abaar baahsan, taas oo ka dhalatay Roobyarida iyo abaaraha ka jira wadamada Bariga Afrika, tii oo ay jirto in wax ka badan 80,000 qof ay ka barakaceen Laascaanood.

Goobjoog News