U bood dhigaalka

Baarlamaanka Somaliland oo Ansixiyay Heshiiskii Maalgashiga Dekedda Berbera ee DP world

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiskii maalgashiga dekedda Berbera ee DP World.

Golaha waxaa maanta soo xaadiray xubno gaaraya illaa 74 xunbood, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Cabdiraxmaan Cirro, ajandaha horyaallay xubnaha waxa uu ahaa u codeynta heshiiska DP world.

Markii uu kulanku furmay kooramkiina uu dhameystirmay ayaa waxaa la gudo galay ajandaha,  waxaana billowday codbixintii oo u dhacday qaab gacan taag ah.

Hadaba, in heshiiskan meelmaro waxaa ogolaatay 69 mudane, halka Afar xildhibaan ay diideen, cid ka aamustay may jirin, guddoomiyuhuna muu codeyn, waxaana sidaa ku meel maray heshiiskii shirkadda DPworld ee maalgashiga dekedda Berbera.

Goobjoog News