U bood dhigaalka

Degdeg: Kenya oo Ka Baxday Dacwada Badda, Akhriso Sababta!

Sheeko:Amniga
Soomaaliya ayaa kaligeed u aadi doonta dacwadda badda ee loo qoondeeyay berrito, ka dib markii Kenya ay ka baxday iyadoo ka gadooday ka qeybgalka Garsoore Abdulqawi Yusuf, oo ah muwaadin Soomaaliyeed.
Sida ku xusan warqad uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki oo uu soo xigtay Daily Nation, waxaa lagu sheegay in Kenya ay go’aansaday iney ka baxdo, isaga oo intaa raaciyey in fadhiga uu waqti yar qaadan doono maadaama ay Soomaaliya noqoneyso cidda keliya ee dacwada ku jirta.
Kenya waxaa kale oo bishii hore ay diiday in dacwada lagu qaado qaab muuqaal ah, taasi oo dhaawici doonta marqaatiyaal ay Nairobi dooneyso iney maxkamadda geyso.
Arrintan ayaa ah marmarsiyo kale oo Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo ama laga baxo in maxkamadda ay sii dhageysato.
Goobjoog News