U bood dhigaalka

 Degdeg: Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu haleelay gaari isticmaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Qofka ka mida dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in qaraxu uu haleelay gaari nuuca Kaaribta ah balse aan la xaqiijin in qaraxu uu ku diyaarsanaa wadada iyo in gaariga uu ku dhaganaa.

Sidoo kale goobjoogahaan ayaa inoo sheegay in ugu yaraan afar ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa.

Ma jirto wali wax wara oo laga helay dadka geeriyooday waxa ay ahaayeen.

Wixii ku soo kordha qaraxaan goordhaweyd dhacay halkaan kala soco.

Goobjoog News