U bood dhigaalka

Degmada Boondheere Oo 200 Oo Qoys Lagu Afuriyay

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Boondheere ayaa sheegay in laga jawabay baaq ay u direen hay’adaha oo ku aadanaa u gurmashada dadka danta yarta ah ee ku nool degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Boondheere  ee gobolka Banaadir Seynab Yuusuf  Wehliye ayaa waxay sheegtay in baaqoodii laga soo jawaabay isla markaana ay ka heleen hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Carabta deeq  afurin ah oo ilaa 200 oo qoys oo danyara lagu afuriyay.

Guddoomiye Seynab Wehliye ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka rajeynayaan inta dhiman hay’adaha kale iyo cid waliba oo gacan ka geysan karta.

“ Waxaa maanta halkaani noogu keenay labo boqol oo raashin karsan ah oo afura hya’adda bisha cas, waxaan u qeybinnay ilaa iyo hadda labo boqol oo qoys oo dadkii ugu nuglaa degmada ah “.

Dhanka kale qaar ka midda dadkii la soo gaarsiiyay deeqdaan ayaa ka mahad-celiyay waxayna sheegeen in maamulka iyo hay’adda bisha cas ee Imaaraadka aya u mahad-celinayaan sida wanaagsan oo ay u soo gaarsiiyeen kaalamadaani.

Afurintaani ayaa waxay tahay maalinkii labaatanaad sida ay sheegeen mas’uuliyiinta hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Carabta kuwaas oo sheegay in dadka danta yar iyo barakacyaasha ku nool magaalada Mugadishu ay u samey doonaan afurin.

Goobjoog News