U bood dhigaalka

Degmada Buuloburde Oo Lagu Baaqay In Laga Dhigo Caasimadda Maamulka Shabellaha Dhexe Iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde ee gobala Hiiraan ayaa ku baaqay in degmadaasi laga dhigo caasimadda maamulka loo sameynayo gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdicasiis Duurow Cabdi oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in marka hore ay tallaabo wanaagsan ay tahay in la mideeyo gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, islamarkaana ay hal maamul yeeshaan.

“Waa Laba gobal oo saameyn leh, waa la’is raaci karaa, wax walba waan ku simannahay, waa dad is jecel Labada Gobol, waana fikir aan soo dhaweyneyno ka maamul ahaan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Gudoomiye Duurow ayaa dhinaca kale sheegay in degmada Buuloburde ay tahay midda kaliya ee ku haboon in caasimad ay noqoto, islamarkaana u dhaxeysa Baladweyne iyo Jowhar.

“Degmada Buuloburde waa in caasimadda laga dhigaa, hadii la doonayo cadaalad, taasina gorgortan lagama gelayo, maxaa yeelay degmadaan waa midda kaliya ee u dhaxeysa Labada magaallo madax ee Baladweyne iyo Jowhar” ayuu yiri gudoomiyaha Buuloburde.

Waxaa socda dadaal la doonayo in lagu dhiso maamul gobaleed loo sameynayo gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, inkastoo waxgaradka Labada gobal ay ku hardamayaan halka lagu qabanayo shirka maamulkaasi lagu dhisayo.

Goobjoog News