U bood dhigaalka

Degmada Buurhakaba Oo Loo Magacaabay Guddoomiyahii 5-aad, Labo Sano Gudahood

Sheeko:Dalka

uddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Buurhakaba, kadib wareegto uu soo saaray guddoomiyaha.

Waxaa xilkaan loo magacaabay Maxamed Ibraahim Nuur, kaasi oo noqonaya guddoomiyahii 5-aad ee muddo Labo sano ah gudahood loo magacaabo degmada Buurhakaba.

Waxa uu guddoomiyaha gobolka Baay uu kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Buurhakaba in shaqada loo dhiibey u guto si daacad ah, keenana isbedal badan oo degmada ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News