U bood dhigaalka

Degmada Cadaado Oo Xalay Laga Xusay Maalinta Qoraalka Farta Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Munaasbad lagu xusayay 21-ka January oo ku beeganayd 43-sano guuradii kasoo wareegtay markii ugu horeysay ee la hirgeliyay qorista farta Soomaaliga ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Munaasabadaan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda maamulkaasi ugu sarreysa, bahda waxbarashada, maamulka degmada Cadaado, mas’uuliyiin ka tirsan Labada gole ee Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dhammaan ay sheegeen in muhiimad gaar ah ay leedahay in la xuso maalintaan.

Abshir Cabdi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in qorista farta Soomaaliga ay kusii xoogeysan karto oo kaliya in caruurta loo diro goobaha waxbarashada.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in ka maamul ahaan ay diyaarinayaan xarumo waxbarasho oo lacag la’aan ah si sare loogu qaado tayada waxbarasho ee dhallaanka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna hadal ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shacabkaba looga baahan yahay soo celinta dhaqanka Soomaalida oo ay qeyb ka tahay qorista, akhrinta iyo ku hadalka Afka Hooyo.

Shalay ilaa xalay ayaa meello badan oo ka mid ah dalka waxaa laga xusayay maalinta qoraalka farta Soomaaliga oo ku beegan 21-ka January.

Goobjoog News