U bood dhigaalka

Degmada Deyniile oo Guddoomiye Loo Magacaabay

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Cumar Filsh ayaa guddoomiye xusub waxaa uu u magacaabay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii guddoomiyihii degmadaas Maxamed Abuukar Cali  (Jacfar ) uu kamid noqday xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad  ee Federalka.

Wareegto kasoo baxayday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir  ayaa waxaa xilka guddoomiyaha degamada Deyniile loogu  magacaabay Cabdishakuur Abuukar Macalin (Rooble B) oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmuudug, isaga oo xilka kala wareegaya guddomiyihii  hore.

Guddoomiyaha ayaa wareegtada kasoo baxaday waxaa sidoo kale lagu faray waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka in ay dhammaystiraan waxa ka dhiman xeerka uu soo saaray guddoomiyaha, xeerkaan lagu magacaabay ayaa dhanqal ah maadaama uu saxiixay guddoomiye Cumar Filish.

Goobjoog News